Wasiirka amniga iyo taliyeyaashiisa oo hor-tagaya Baarlamanka

Muqdisho-(Puntland Post)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawed, ayaa shalayto shaaciyay in Talaadada maanta ah ay hor iman doonaan golaha Baarlamanka wasiirka amniga gudaha Cabdi risaaq Cumar Maxamed ,taliyayaasha Boliiska iyo nabad sugidda qaranka.

Mahad Cabdalla ayaa intaa raaciyay in wax laga weydiin doono masuuliyiintan xaaladda ammaan ee dalka oo maalmahan soo xumaanaysay,xarigga loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo sharciga la dagaallanka argagisisada.

Bishii aynu kasoo gudunay Labaatankeedii ayay ahayd markii ay ka baaqsadeen masuuliyiintan inay hor tagaan Baarlamaanka Soomaaliya,waxanay xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen inay xilka iska wareejiyaan maaddaama ayan gudan karin waajibaadkii loo igmaday.