Beled-weyne-(Puntland Post)-Shir looga hadlayay adkaynta nabad gelyada iyo dar-dar gelinta ka hor tagga weerarrada Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Beled-weyne ee caasumadda gobolka Hiiraan.
Kulanka oo xasaasi ahaa ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyeyaasha gobolka iyo kan degmooyinka saraakiisha iyo taliyeyaasha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan Hiiraan iyo kuwa Amisom ee ka socda waddamada Jabuuti iyo Itoobiya.
Taliyaha saldhigga Beled-weyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo la hadlay warbaahinta markii uu soo dhamaaday kulanka, ayaa sheegay in maamulka iyo saraakiisha ciidamadu ay si qota-dheer uga hadleen sugidda ammaanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo ka hor-tagga falal Argagixiso oo laga yaabo inay geystaan Al-shabaab.
Mahad alle ayaa intaa raaciyay inay magaalada ka mabnuuceen qof hubeysan oo aan ka ahayn ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika,lana sameeyo hawl-gallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka,wuxuuna ku boorriyay bulshadu inay si weyn kala shaqeeyaan nabad gelyada oo uu sheegay inay ku jirto dantooda.
Tan iyo markii ay qaraxyada is xig-xiga ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba waxaa isa soo tarayay hadal haynta suurto galnimada inay weerarro kuwaasi la mid ah ka dhici karaan magaalada Beled-weyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.