Baarlamanka Soomaaliya oo soo jeediyay in la beddelo magaca argagixiso

Muqdisho-(Puntland Post)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawed ayaa sheegay inuusan u cuntamin sharciga la dagaallanka argigixisada,kaasoo ay bulshada Islaamka ka qabto xasaasiyad weyn.

Mudane Cawed oo shir guddoominayay kulankii ay maanta yeesheen golaha shacabka oo ka hadlayay sharciga argagixiso la dirirka ee xukuumadda Soomaaliya ku doodeyso inaanu ansixin Baarlamaanka ayaa ku nuux-nuuxsaday in xilligii lasoo sameynayay sharcigan ay ka soo hoos dhasheen qolyo shisheeye oo doonaya inay dowladda ku tir-tirsiiyaan wax aan qeexnayn.

“Markii sharcigan lasoo samaynayay ee golaha la hor keenay waxaa macruuf ah in baarlamaanka oo arrintan ka shaqaynaya guddigii u xilsaarnaa arrimaha gudaha iyo amniga,in qolyo ajanebi ah oo sharcigan wax ka daneeya arrintan ay siminaar qabteen,guddiga yagii u xil-saarnaa arrintan inuu soo ogaaday inay xukuumaddu sharcigii ay usoo gudbisay golaha shacabka ma ahane ay mid kale waddo oo isla la dagaallanka argigixisada ah waxaa xaqiiq ah in sharcigaasi inuu yahay mid xasaasiyad badan ummadda Soomaaliyeed ka qabto,ayuu yiri Mr:Cawed.

Guddoomiye Cawed ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan dalalka muslimka ah ay ku muran san yihiin waxa la yiraahdo argagixiso,mana ahan buu yiri mid si fudud ay ummadda Soomaaliyeed kula wedaagi karto caalamka,wuxuuna sheegay inay xukuumadda federaalka u soo jeediyeen in gebi ahaanba la beddelo magaca argagixiso.