Muqdisho-(Puntland Post) Ugu yaraan Afar askari ayaa ku geeriyootay Lix kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay qarax miino oo lagula eegtay gaari ciidan oo marayay degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada hoose.
Cabdullaahi Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degaanka Lafoole ayaa warbaahinta u sheegay in askarta qaraxan lala beegsaday ay dhammaantood ka mid ahaayeen xoogga dalka Soomaaliyeed.
Gaarigan oo uu noociisu ahaa Land Cruiser Pik up ama qabaal,ayaa la sheegayaa inuu la socday raxan baabuur ciidan ah oo ka ambabaxday magaalada Muqdisho,kuwaasoo kusii jeeday dhanka degmada Afgooye ee isla gobolka Shabeellada hoose.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxan lagu weeraray ciidanka xoogga,mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda marka laga reebo hawl-gallo ballaaran oo ay laamaha ammaanku ka sameeyeen agagaaraha goobtii ay wax ka dhaceen.