Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dagaallamay Gedo

Garba-haarreey-(Puntland Post)-Wararka ka imanaya magaalada Garba-haarreey ee caasimadda gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay isku fara saareen xalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo cutubyo ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa Puntland Post u sheegay in ku dhowaad 10 qof oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka,kaasoo socday saacado badan,iyadoo ay jiraan dhaawacyo intaa ka badan oo soo kala gaaray dhinacyada uu iska hor immaadku dhex maray.

“Weerarka waxaa soo qaaday Al-shaab,si gaadma ah ayay ku soo abbaareen fariimaha ciidanka dowladda, dagaal culus oo muddo socday baa ka dhacay,waxaan ka mid ahay dadkii u daawashada tegey meydadka Al-shabaab ay meesha kaga tageen oo illaa shan waa arkay,kuwo kala waa la sheegayay,ayuu yiri goob jooge magaciisa qariyay.

Magaalada Garba-haarreey iyo goobihii lagu dagaallamay ayaa saakay ah mid deggen,waxanay dadka degaanka ka baqdin qabaan inuu iska hor imaad kale ka dhaco halkaas,waxaana heegan la geliyay ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Jubba-land.