Baarlamanka dalka oo ka arrinsanaya sida laga yeelaya taliyeyaasha ammaanka oo mar kale baaqday

Muqdisho-(Puntland Post)-Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay albaabbada u xiran yihiin ka leh waxa ay yeelayaan taliyeyaasha hay’adda nabad sugidda qaranka iyo Booliska oo lagu soo eedeeyay xil gudasho la’aan.

Maanta oo Talaado ah ayay ballantu ahayd inay hor tagaan golaha shacabka wasiirka amniga gudaha, taliyaha nabad sugidda qaranka iyo kan Booliska,si wax looga weydiiyo xaaladda ammaan ee dalka oo maalmahan gaabis ah.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo keliya ayaa xaadiray xarunta baarlamanka,iyadoo ayan wehlin saraakiisha ugu sarraysa ammaanka,taasoo keentay inay iska fasaxaan xildhibaannada una fariistaan shir ay saxaafadda ka maqan tahay.

Mudanayaasha ayaa sheegay inaysan wasiirka amniga keligii su’aalo weydiin karin isla markaana ay dalbanayaan in si wadajir ah ay u hor yimmaadaan taliyeyaasha Booliska iyo nabad-sugidd qaranka maaddaama eedo badan laga tabanayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulamadii shalay iyo maanta,ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay go’aan ka soo saarayaan maqnaasha taliyeyaashan oo ay horay ugu yeereen.

Ilo ku dhow-dhow xarunta baarlamanka iyo xafiiska ra’aysul wasaaraha dalka ayaa sheegaya in laga yaabo inay xilalkooda ku waayaan taliyeyaasha maqnaashahooda,iyadoo sidoo kale ay soo baxayaan inay saamayn ku yeelato wasiirka amniga gudaha.