Dowladda federaalka oo dibedda u qaadayso qaar ka mida dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-shabaab

Muqdisho-(Puntland Post)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dibedda loogu qaadayo qaar ka mida dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay dhawaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo shalay booqatay cuspitalka guud ee magaalada Baydhabo,si ay u soo qiimeyso xaaladda dadkii ku wax yeelloobay weerarradii Al-shabaab ayaa sheegtay inay meel fiican marayaan dedaallo ay dowladdu ugu qaadayso dhibbanayaasha dalka Turkiga.

“Dedaallo dibadda loogu qaadayo dadkii dhibaatada soo gaartay ayaannu wadnaa, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo, waxaan codsi u dirnay dowladda Turkiga, howshaasna waa wadnaa, meel fiican ayay inoo mareysaa”ayay tiri wasiir Xaawo.

Shalay ayaa magaalada Muqdisho loo soo duuliyay qaar ka mida dhaawacyadii ku waxyeelloobay weerarradii Al-shabaab,kuwaas oo xaaladdooda wax looga qaban waayay cuspitalka magaalada Baydhabo.

Ururka Al-shabaab ayaa horraantii todobaadkan weerarro is xig-xiga ka geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba,halkaasoo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad Lixdan ruux,halka Afartameeyo kalena ay ku dhinteen,waxanay dowladda federaalku wacad ku martay inay qaadeyso tallaabbo dalka lagaga sifeynayo Al-shabaab.