Saraakiil Booliis oo Tababar loogu furay Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta tababar loogu furay  taliyayaasha saldhigyada gobolka Banaadir,kuwaas oo la sheegay in lagu soo xulay imtixaan.

Taliyaha booliiska sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababarka u furay Saraakiisha,waxaana uu soocon doona mudo 30 cisho ah,sida la sheegay waxaa lagu bari doona xaqiijinta amaanka,waxaana kor loogu qaadaya aqoontooda.

Sareeye Gaas Maxamed ayaa kula dar daarmay saraakiisha in ay ka faa’iidaystaan tababarka loo furay,islamarkaana waxay bartaan ugu shaqeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Tababarka qaar ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliyeed maanta loo furay ayaa kusoo aaday xili asbuuc gudihiis ay qaraxyo waxyeelo gaystay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay shir gudoomiyey kulan  deg deg ah oo golaha wasiiraddu ka yeesheen xaalad amaan ee dalka iyo weerarada Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo kulanka kadib la hadlay warbaabinta ayaa sheegay in lagu heshiiyey in la dar dargaliyo amaanka.

PUNTLAND POST