Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo af-jari doono Ururka Al-shabaab,kaasoo kordhiyay weerarradii uu ka geysan jiray guud ahaan Soomaaliya.
Xasan sheekh oo ka hadlayay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimmaaddeen golaha wasiirrada dalka iyo laamaha ammaanka laguna gorfeynayay sidii loo laba jibbaari lahaa sugidda nabad gelyada ayaa intaa ku daray in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu xil ka saaran yahay xasilinta dalka,wuxuuna ka codsaday shacabku inay kala qayb qaataan laammaha ammaanka.
Kulankan oo guddoominayay madaxweynaha,ayaa si weyn loogu jeex-jeexay sidii wax looga qaban lahaa werarrada is daba joogga ah ee Al-Shabab,gaar ahaa qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba oo ay dad badani ku dhammaadeen.
Shirka golaha wasiiradda oo qaatay saacado badan ayaa lagu go’aamiyey in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha is miidaamiyo si loo badbaadiyo bay yiraahdeen shacabka Soomaaliyeed,kaasi oo ay horumuud ka noqoyaan madaxda sare ee dalka.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo shirka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howl-gallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Maalin ka hor ayay ahayd markii kulan cayn kanoo kale ah uu ku soo dhammaaday magaalada Jabuuti,kaasoo ay ka qayb galeen waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka,wuxuuna shirkan imanayaa iyadoo ay aad isu soo tarayaan weerrarad iyo qaraxyada ay Al-shabaab ka geystaan dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.