Baydhabo-(Puntland post)- Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen raggii ka dambeeyey Qaraxii shalab galab ka dhacay magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo la hadla Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen raggii ka dambeeyey Qaraxa.
Waxa uu tilmaamay in ciidamadu xalay howlgalo ay ka sameeyeen magaalada kusoo qabteen ragg gaaraya 6 ilaa 7 kuwaas oo qaarkood qirteen falka.
Watiin ayaa xusay in geerishyada magaalada mid kamid ah laga soo abaabulay Qaraxa,ragga ayuu tilmaamay in hada gacanta ay ku hayaan ciidamada Nabad sugida.
Magaalada Baydhabo waxaa shalay casar liiqii ka dhacay Qarax dhimasho dad gaaraya 30 ruux iyo dhaawac 40 qof ah sabababay,Qaraxa waxaa sheegtay Alshabaab.