Baydhabo-(Puntland Post)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay xalay waxaa ka dhacay Qarax sababay dhimasho gaaraysa 30 Ruux iyo dhaawac kor udhaafaya 40 Qof.
Shalay Galab ayuu Qaraxu ka dhacay Baydhabo, meelaha la qarxiyey waxaa kamid ah goob dhalinyaro ku daawanayeen Ciyaar,dadka dhintay waxaa ku jira Wasiir ku xigeenka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista ee maamulka Koofur Galbeed.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay xalay in waxyeelo weyn loo gaystay dadka Baydhabo,waxaa uuna ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Qaraxa.
Masuuliyiinta dowladda Fadaraalka ayaa cambaareeyey Qaraxa, waxayna sheegeen in ay ka hortagayaan weeraro kale oo Alshabaab gaystaan.
Dadka dhaawacmay Qaarkood ayaa la sheegay in maanta Muqdisho loo qaadayo, ilaa 11 kamid ah ayey wararku sheegayaan inay dhaawacyo halis ah yihiin.
Wasiiradda dowladda oo kulan deg deg ah yeeshay ayaa sheegay in Laamaha amaanku ay u howl gali doonaan in ay ka hortagaan Qaraxyo iyo weeraro kale oo Al shabaab gaystaan.
Qaraxa xalay ka dhacay Baydhabo oo wararku sheegayaan in ay ka kala dhaceen ilaa labo maheradood oo ciyaar lagu daawanayey ayaa ah kii ugu weyna oo in mudo ah ka dhaca Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa booqanaya Isbitaalka Baydhabo oo ay yaalaan dhaawacyadu.
PUNTLAND POST.