Nairobi-(Puntland Post)-Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay dhammaan ciidamadeeda kala duwan ee laamaha ammaanka,markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaal yahannada Al-shabaab ay qorsheynayaan weerarro ka dhan ah garoomada diyaaradaha dalkaasi.
Warbixin ay soo saareen sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay inay Al-shabaab gudaha Soomaaliya kusoo tababareen 11 xubnood oo iyaga ka mid ah,kuwaasoo la doonayo inay weerarro is miidaamin ah ku qadaan garoomada diyaaradaha.
Wargeysyada dalka Kenya oo soo xiganaya qoraal kasoo baxay waaxda nabad-gelyada ee garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta Airport ayaa intaa ku daraya in weerarradani la qorsheynayay inay dhacaan Bishan Febaraayo gudaheeda illaa horraanta Marso.
Ururka Al-shabaab ayaa horraantii sanaddii inna dhaaftay weerar culus ku qaaday Jaamacadda Gaarrisa ee xarunta Waqooyi bari Kenya,halkaas oo ay ku dhinteen 147 arday,iyadoo wixii xilligasi ka dambeeyayna ay Kenya diiradda u saartay dhaq-dhaqaaqyada ay ku waxyeelleynayaan Islaamiyiinta Al-shabaab.