Baydhaba-(Puntland Post)-Agaasimaha guud ee cuspitalka magaalada Baydhaba Cabdifitaax Ibraahim Xaashi ayaa sheegay inay haatan dhimashada dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadii halkaasi ka dhacay gaarayso 30 qof,kuwaasoo u badan dad rayad ah oo ku sugnaa goobo ganacsi.
18-qof oo ka mida dadkii dhaawaca ahaa ayaa maanta loo soo duuliyay magaalada Muqdisho,markii xaaladdooda wax looga qaban waayay magaalada Baydhabo,waxaana dadkaasi iminka lagu dabiibayaa cuspitalka gaarka ah ee ay ciidanka Amisom ku leeyihiin gudaha xerada Xalane oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha xamar.
Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aaden ayaa dowladda federaalka iyo Beesha caalamkuba ka codsaday in caawimaad deg-deg ah lala soo gaaro dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadii xiriirka ahaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
Laba weerar oo ismiidaamin ah oo ayaa shalay gabbal dhicii lagu qaaday laba meheradood oo ku yaalla magaalada Baydhaba,halkaasoo ay ku geeriyoodeen 30 qof,halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen,waxanay masuuliyiinta gobolka Baay sheegeen inay hayaan qaar ka mida dadkii ka dambeeyay.