Boliiska oo laba nin ku dilay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post)-Ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa maanta laba nin ku toogtay bartamaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay ruux kale oo ka mid ahaa kooxda burcadda ah.

Raggan la dilay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen tuugo wax ku dhacda siyaabo kala duwan,iyagoo xilligaasina watay Mooto,taasoo la sheegay inay u adeegsatay hawlahooda boobka iyo xatooyada isugu jira.

Tuugadan ayaa mararka qaarkood ku qaraaban jirtay tuutaha kala duwan ee ciidamada,waxanay ganacsatada ku handedi jireen hub sharci darro ah,iyagoo u sheegaya inay dowladda soo dirtay taasoo dhalisay muran badan oo ku aaddan uruurinta canshuuraha.

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa si weyn u soo dhoweysay hal-galkan ay ciidamada ammaanka safeeyeen, waana markii ugu horreeysay oo tallaabo cayn kan oo kale ah laga qaado ragga dhaca kala duwan ka geysta suuqyada magaalada Muqdisho.

Kooxaha abaabulan ee burcad suuqeedka ayaa dhowr goor oo hore waxay dhac kala duwan ka geysteen goobo ganacsi iyo shirkado,taasoo ay cabasho xooggan ka muujiyeen mulkiilayaasha iyo ragga gacanta ku haya,taasoo dhici jirtay inaan waxba laga qaban dhibaatada loo geysto.