Midowga Afrika oo cambaareeyay qaraxii Baydhaba

Muqdisho-(Puntland Post)-U qaabbilsanaha midoga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka Amisom,Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen labaatameey qof oo rayad ah.

Wakiilka ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkaasi oo uu ku sheegay inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah oo uu ula jeedo Al-shabaab,kaasoo ay ku bartilmaameedsadeen buu yiri shacab maqaaxi ka qaxweynayay.

“Waxaan garab taaganahay ehelada dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarka argagixisonimo ee ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo goob ku qaxweynayay, kaasi oo muujineyso inaysan u tureynin shacabka”ayuu yiri Danjiruhu.

Danjiraha ayaa tilmaamay in AMISOM oo kaashaneysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dib u billaabi doonaan howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga cirib tiro guud ahaan dalka, wuxuuna shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amnigaiyo dowladdooda.