Qaahira-(Puntland Post)-Waddamada Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis xagga iskaashiga ciidamada ah,markii ay magaalada Qaahira kulan ku wada yeesheen labada taliye ciidan iyo saraakiil sar sare oo kala kala tirsan wasaaradaha difaaca ee dalalkan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya jeneraal:Maxamed Aadan Axmed iyo dhiggiisa dalka Masar Mohamud Hijaali,oo ay wehliyaan xubno kale ayaa waxay si qoto dheer kaga wada xaajoodeen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka Millitery-ga ee ay dawladda Masar siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.
Jeneraal:Maxamed Aaden ayaa ku nuux-nuuxsaday in booqashada uu halkaasi ku tegey ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada waddan, isagoo xusay in Masar uu Soomaaliya kala dhexeeyo xiriir iyo taariikh fog oo xagga iskaashiga ciidamada ah.
Sarreeye-guud: Mohamud Hijaali,oo ku hadlayay magaca dowladdiisa Masar ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin dib-u- dhiska ciidanka xoogga,kuna bixin doonan maskax iyo maal,taasoo uu kaga mahad celiyay taliyaha difaaca Soomaaliya Jeneraal;Maxamed Aaden Axmed.
Soomaaliya iyo Masar ayaa lahaa xiriir Millitery iyo mid ganacsi oo soo taxnaa muddo aad u fog,kaasoo wiiqmay xilligii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Kacaanka ahayd 1991-dii,waxaanay tanu qayb ka noqonaysaa dedaallo ay labada waddanba ku doonayaan iney ku soo celiaan xiriirkooda soo jireenka ahaa.