Istanbuul-(Puntland Post) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay shirkii arrimaha Siyaasadda ee Turkey in lagu taageeray nidaamka qabiilka 4.5 in lagu soo xulo aqalka hoose halka aqalka sarena laga dhigay in deegaano lagu saleeyo.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay VOA ayaa sheegay in lagu taageeray shirkii Turkiga go’aankii dowladda Federaalka ku gaartay in doorashada sanadkan dhammaadkiisa qabsoomaysa lagu saleeyo nidamka 4.5 sida uu sheegay maadama aan xilligan loo diyaar sanayn in la qabto doorasho dadwayne.
Shirka heerkiisu sareeyo ee shalay kusoo dhammaaday dalka Turkiga ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 31-qodob oo diirrada lagu saarayay in doorashado la isku raacsan yahay dalka ka dhacdo 2016 in Puntland iyo shacabkeeda laga qayb galiyo geeddi socodka, arrimaha kale ee looga hadlayna waxaa ka mid ahaa qaabkii loo maamulay dhaqaalaha New Dealka Soomaaliya, xaalada waxbarasho,caafimaad,haweenka iyo carruurta.
Puntland gaar ahaan madaxwayne ku xigeenka oo shalay warbaahinta kula hadlay magalada Bosaso ayaa sheegay inaysan cidna uga qayb galin shirka looga hadlayay doorashada iyo 4.5 balse ay gaar ku ahaayeen kan NEW DEAL-ka.
PUNTLAND POST