GAROWE-(Puntland Post) Mamulka sare shirkada korontda NECSOM ayaa faah faahin ka bixiyay qiimo dhimista lagu sameeyay qiimihii dadka laga qaadi jiray KW, taasoo keentay ka dib markii maalmo ka hor xarriga laga jaray Tamarta cad-ceeda ka dhalisa korontada.
Gudoomiyaha NECSOM Cabdifutaax Maxamed Cabdi (Kismaayo) ayaa waraysi dheer uu siiyay Radio Garowe wuxuu kaga war bixiyay qiimo dhimista iyo nidaamka shaqo oo is-badal lagu sameeyo sida la addeegsan doono Soolarka cad-ceeda korontada ka dhaliy, waxana mashruucaasi uu Kismaayo sheegay inuu ku kacay 5.5 Malyan oo doolarka Maraykanka.
Qiimo dhimista ayuu sheegay inay tahay 16% isla markasna ay sii wadi doonaan qiimo dhimista, wuxuna dadka u sheegay ahmiyada ay u hayaan inay xilli kasta helaan addeeg qanciya oo ku filana.
Arrimaha kale uu Cabdifutaax Kismaayo waraysigan kaga hadlay ayaa ah cabashada dadka ay ka muujinayaan guryaha fiilooyinka la galiyo, wuxuna sheegay inaysan dhankooda wax cilad ah ka jirin hase yeeshee ay dhibaatadu tahay habka marka hore fiilooyinka korontada iyo noocooda loo galiyo guryaha kuwaasoo marka danbe saamayn yeesha.
Shirkada NECSOM ayaa noqotay tii ugu horaysay oo mashruuc tamarta cad-ceeda laga dhaliyo ka hir galisay gudaha Soomaaliya.
HOOS Ka dhagayso waraysiga Cabdifutaax Kismaayo laga qaaday.
PUNTLAND POST