Muqdisho-(Puntland Post)-Ugu yaraan Afar qof oo rayad ah ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay,markii hoobiyeyaal lala beegsaday madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya ay ku dhaceen qaybo ka mida degmooyinka Hawl-wadaag iyo war-dhiileey ee gobolka Banaadir.
Goob-joogayaal ku sugan xaafadda Caga-dhiig ee degmada Wardhiigleey ayaa sheegaya in dadka ku waxyeelloobay madaafiicda ay intooda badan kasoo wada jeedaan hal qoys,iyadoo qaar ka mida kuwii ku dhaawacmayna loo qaaday Cuspitaallada magaalada Muqdisho.
Dagaal yahannada Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Ururka Al-shabaab ayaa dhowr goor oo hore gentaallo la dhacay agagaarka madaxtooyada halkaasoo ay ku waxyeelloobeen dad rayid ah oo nawaaxigaasi ku dhaqnaa,iyagoo sheegta inay ku dilaan Askar iyo saraakiil ka tirsan dowladda iyo Amisom.