Ra’aysulwasaaraha dalka oo sheegay in 2020-ka ay Soomaaliya ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah

Istambul-(Puntland Post)-Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in guul uu ku soo dhammaaday shirkii Istanbul,kaasoo looga hadlay marxaladda uu haatan dalku ku jiro, horumarka la gaaray, iyo doorashooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sanadka 2020 uu qorshuhu yahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha lagu haminayo in dalka uu gaaro,wuxuuna intaa raaciyay in kulankii Istambuul layskula soo qaaday sidii Soomaaliya loo caawin lahaa muddada dheer ee soo socoto 2020-2025,wuxuuna shirkan ku tilmaamay kii ugu dambeeyay ee la qabto inta aan doorasho la gelin.

Mudane Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday in bisha April ee soo socota la qaban doono shir looga hadlayo arrimaha dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan dowladda iyo maamul goboleedyada, isagoo xusay in qorshuhu yahay in laga hadlo waxyaabaha siyaasada muhiimka u ah,taasoo horay loogu dhaqaajinayo dalka.

Mar uu ka hadlayay baaqashadii madaxweynaha Puntland ee Shirka Istanbul ayaa xusay inuu ka cudur daartay inuu shirka tago, balse ay rajeynayaan in Puntland loo tago, lana qanciyo isla markaana ay timmaaddo muwaafaqo iyo is af-garad.

Kulankii Istanbuul oo ay ka qayb galeen wakiillada 54 dowladood iyo hey’ado caalami ah, ayaa labadii cisho ee uu socday waxaa looga wada hadlay arrimaha arrimaha Soomaaliya gaar ahaan ammaanka, siyaasadda, ganacsiga, dhalinyarada, haweenka iyo arrimo kale, waxaana dowladda Turkiga oo marti gelineysay shirka ay ballan qaadday inay sii wadeyso taageerada ay Soomaaliya siiso.