Madaxweyne Obama oo qorshaynaya inuu xiro xabsiga Guwatanama

USA-(Puntland Post)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa golaha sare ee dalkiisa u gudbiyay qorshe uu ku doonayo inuu albaabbada isugu laabo xabsiga Guantanamo Bay.

Obama ayaa soo jeediyay in maxaabiista haatan ku jirta xabsigaasi oo tiro ahaan gaaraya 91 qof, lagu kala wareejiyo dalalkii ay u kala dhasheen,halka inta hadhana loo wareejin doono xarumo Militery oo ku yaalla gudaha Maraykanka.

Qaar ka mida Golaha sare ayaa si weyn ugu gacan sayray in dad ku eedeysan falal aragagixiso loo soo wareejiyo dalkooda, waxaanay sheegeen in qorshahaasi ay hor istaagayaan.

Xabsiga Guantanamo bay,oo ah jasiirad ku taalla dalka Cuba,ayaa waxay maraykanku u tahay goob uu ku xiro dadka loo hayso falal argagixiso,waxaana la sheegay inuu sanad weliba ku baxo lacag gaaraysa 445 Milyan oo dollar.

Xiritaanka xabsigan oo ka mid ahaa ballan qaadyadii Brack Obama siddeed sana ka hor markii uu xilka la wareegay ayaanan weli suurto galin,waxaana loo aaneeynayaa cadaadis kaga yimi dhanka xisbiga Jamhuuriga.