Shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya oo maanta ka furmay Istanbul

Istanbul-(Puntland Post)-Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo siyaasada,Amaanka iyo hormarka Soomaaliya,waxaa shirka soo qaban qaabiyey dowladda fadaraalka iyo Qaramada Midoobay.

Shirka Maanta ka furmay Istanbul waxaa si wadajir ah u shir gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan.

Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galaysa xubno ka socda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo Ha’yadaha Caalamiga ah.

Shirka oo socon doona maanta iyo barri ayaa diirada lagu saaraya Siyaasada Soomaaliya,Amaanka iyo doorashada sanadkan ka dhacaysa Soomaaliya oo wali lagu muran san yahay qaabkii loo wajihi lahaa,inkastoo dowladda fadaraalka iyo maamul goboleedyada marka la reebo Puntland ay ku heshiiyeen 4.5.

Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ayaa kusugn shirka,ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna jooga ,waxaa la filayaa in gabada gabada laga soo saaro war murtiyeed.

Sawirro.
istanbul-1

istanbul-3

istanbul-4

istanbul-6

istanbul-7

istanbul-8

PUNTLAND POST.