Nairobi-(Puntland Post)-Af-hayeenka ciidamada difaaca Kenya Col. David Obonyo,ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Sidimo oo 50 KM u jira Baardheere halkaasoo ay ku dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Macallin Shariif.
Horjoogahan ay Kenya shaacisay inay dishay ayaa la sheegayaa inuu Al-shabaab u qaabbilsanaa samaynta iyo diyaarinta walxaha qarxa,iyadoo weerarkaasina lagu warramayo in lagu laayay saraakiil iyo malleeshiyaad kale.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka ayaa waxa kaloo lagu sheegay in weerarkaasi ay ciidamada Kenya ku qabsadeen 16 ka mid ah qoryaha AK-47, waxyaabaha qarxa iyo 8 qoryaha garbaha laga tuuro ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka qayb ka ahayd,ayna ku dileen sarkaal Al-shabaab u qaab bisanaa samaynta walxaha qarxa iyo labaatameeyo xubnood oo kooxda ka tirsan.
Khamiistii aynu kasoo gudubnay ayay aheyd markii ay dowladda Kenya ay sheegtay inay duqeyn ku dishay madaxii sirdoonka Al-Shabaab Mahad Karratay, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah,mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Kenya.