Dowladda Canada oo ka qayb galaysa shirka Soomaalida ugu furmaya dhawaan dalka Turkiga

Toronto-(Puntland Post)-Wasiirka arrimaha dibedda dalka Canada Stephane Dion,ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo shirka todobaadka soo socda ka furmi doona magaalada Istambuul ee dalka Turkiga,kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ayaa lagu sheegay in Mr;Stephane uu halkaasi kula kulmi doono madaxda Soomaalida, wakiillo ka kala socda Africa iyo Bariga dhexe, waxana la sheegay ina masuuliyiinta dalka uu kala sheekeysan doono aayaha waddanka iyo qaabka loo wajahayo doorashada soo socota.

‘’Ka qeybgalka mudane Dion kulanka heerka wasiir ee Istanbul waxa ay caddeyneysaa mar kale sida ay Canada uga go,antahay taageerada dadaalka caalamiga ah ee lagu baadi goobayo xaslloonida iyo nabadda Soomaaliya, horumarka Soomaaliya wuxuu gundhig u yahay amaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa’’ ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aanno kama dambays ah ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan madasha Istanbul ee dalka Turkiga, si waddada loogu sii xaaro doorashooyinka lagu wado in ay ka qabsoomaan Soomaaliya,gaar ahaan kuwa labada aqal iyo tan madaxweynaha, oo ku beegay bisha Augost ee Sanadkan.