Nairobi-(Puntland Post)-Wasaaraddaha gaashaandhiga ee dawladdaha Kenya & Itoobiya ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay dawladdaha Caalamku ka taageeri lahaayeen ciidamadooda Soomaaliya ku sugan in la wiiqo Awooda Shabaab, isla markaasna la helo howlgal dhinaca cirka ah oo laga fuliyo meelaha ay ku badan yihiin Saraakiisha Al-Shabaab.
Af-hayeenka wasaaradda difaaca dalka Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ay labadan dawladood hadda ka shaqeynayaan qorshe dhameystiran oo wax looga qabanayo sidii Al-Shabaab duqeymo cirka ah loogu qaadi lahaa.
Mr, David ayaa cadeeyey in weerarro dhinaca hawada ah oo laga fuliyo meelaha ay ku badan yihiin Saraakiisha kooxdaas,ay tahay mid dhabar jab weyn ku ah Ururka Al-shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan.
Masuuliyiinta xagga ciidamada ee labadan dowladood,ayaa haatan qorsheynaya inay weydiistaan dawladdaha waaweyn sidii ay ku heli lahaayeen diyaaradaha dagaalka,iyadoo laga yaabo inay jawaab deg-dega kasoo bixiyaan dalabkooda dowladaha reer galbeedka oo gacab weyn ku leh Soomaaliya.