Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka amniga gudaha,Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha hey’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya,ayaa maanta lagu wadaa inay hor-tagaan baarlamaanka dalka, si ay xildhibaannadu wax uga ogaadaan baaritaanka lagu soo rogay garoonka diyaaradaha iyo cidda ammartay in iyaga la baaro.
Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa ka hor-yimid feteshaadda, iyagoo ku dooday inay leeyihiin xasaanad,taasoo ay sheegeen inay xad-gudub ku tahay dastuurka oo dhigaya inaanan la baari karin mudane ka tirsan baarlamanka isaga,gurigiisa iyo gaadiidkiisa toona.
Cabdirisaaq Cumar,wasiirka aminga ayaa horay u sheegay inaanu waxba kala socon ammarka lagu baarayo xildhibaannada dalka marka ay ka dhoofayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo marka ay ka soo degayaan.
Wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airlines horraantii bishan,waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,halkaasoo looga shaki qabo in laga maleego qaraxyo kale oo ay waxyeello kasoo gaadho madaxda dalka.