Xasan sheekh oo gaaray Beled-weyne

Beled-weyne-(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo isugu jira labada gole ee dowladda ayaa maanta gaaray magaalada Beled-weyne,halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen masuuliyiinta gobolka Hiiraan.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo gacan ka geysashada maamul u samaynta maamulka la doonayo in loo dhiso gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe,kaasoo ay ragaadiyeen muranno siyaasadeed.

Xasan sheekh Maxamuud iyo xubnaha la socda ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeeshaan maamulka iyo wax garadka gobolka Hiiraan,si ay mar kale ugu dhaadhiciyaan aqbalaadda qoondada ay dowladda u soo gudbisay beelaha halkaasi dega.

Cuqaasha iyo beelaha gobolka ayaa horay ugu biyo diiday shax ay usoo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha,taasoo ku aaddan qaybsiga ergooyinka ka qayb galaysa shirka ay gogoshiisu taallo Jowhar, iyadoo haatan ay kulammo looga arrinsanayo aayaha reer Hiiraan uu ka soconayo magaalada Beled-weyne.