Nairobi-(Puntland Post)-Wasaaradda gaashaan dhigga dalka Kenya ayaa maanta shaacisay inay duqayn ku dishay madaxii amniyaadka Ururka Al-shabaab Mahad Maxamed (Karratey) iyo toban kale oo ay ka mid yihiin saraakiil.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska difaaca magaalada Nairobi,ayaa lagu sheegay inuu horjoogahan ku dhintay weerar xagga cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku qaadeen 8-dii bishan aynu ku jirno inta u dhaxaysa degmooyinka Bu’aale iyo Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.
Mahad Karatey,oo ahaa horjoogaha qeybta mukhaabaraadka ee Ururka Al-shabab,ayaa la rumaysan yahay inuu door weyn ka ciyaaray weerarkii lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel-Cadde bishii la soo dhaafay.
Ma jirto wax wara oo kasoo baxay Al-shabaab ee ku aaddan dilka sarkaalkeeda iyo horjoogayaasha kale, waxanay horay u sheegeen inayan Kenya kaga aargoosan duullaannada xagga cirka ah balse ay laayeen dad rayad ah iyo xoolo.