Baraawe-(Puntland Post)-Ururka Al-shabaab ayaa kusoo bandhigay tuulada Kuunyo-barroow ee gobolka Shabeellada hoose muuqaalka laba Askari oo ka mid ahaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Labadan nin oo magacyadooda ku kala sheegay Maxamuud Abuukar Cabdi iyo Maxamed Cabdalla ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin ay halkaasi kala kulmeen iyo ciidamada iyagoo sheegay inay halkaasi ka jirto qabyaalad iyo kala dambayn la’aan.
Raggan oo uu midkood ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,halka kan kalena uu ka mid ahaa ciidanka Boliiska waaxda canshuuraha Baraawe,ayaa waxay sheegeen inay la shaqayn doonaan Ururka Al-shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii ay laba garab oo ka kala tirsan ciidan xoogga dalka Soomaaliya ku dagaallameen gudaha magaalada Baraawe,kuwaasoo u kala safnaa qaab hayb qabiil ah,taasoo saamayn ku yeelatay maamulka iyo ciidamada halkaasi ku sugan.