Barlin-(Puntland Post)-Golaha wasiirrada dowladda federalka dalka Jarmalka, ayaa waxay kulan ka yeesheen in xilliga loo kordhiyo ciiddamadooda qeybta ka ah taliska midowga Yurub ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.
Xukuumadda Jarmalka,ayaa oggolaatay in muddo hal sano ah loo kordhiyo ciiddankaasi, kuwaasoo qayb ka ah saraakiisha tababarrada siisa ciiddanka qaranka Soomaaliyeed ee Somali National Army (SNA).
Mudanayaasha Barlamaanka Jarmalka ee Bundestag ayaa horey u oggolaaday in ciiddankaasi oo tiradoodu dhan tahay 9 Askari loo diro Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan taliska midowga Yurub ee layliya Millitery-ga Soomaaliya.
Baarlamanka dalka jarmalka ayaa qalinka ku duugay in tirada guud ee Soomaaliya loo diri karo laga dhigo Labaatan Askari oo keliya,si loo yareeyo qasaaraha kaga iman kara weerarro ay la beegsadaan Jihaadiyiinta ka dagaallanta gobolka.