Madaxweyne Xasan sheekh oo tacsi u diray dhiggiisa Turkiga

Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kadib weerarkii ka dhacay magaalada Ankara, kaas oo ay ku dhinteen 28 qof.

“Anigoo ku hadlaya magaca Soomaaliya, waxan kaaga tacsiyeynayaa dilka dadka aan waxba galabsan ee weerarkii xalay lagu dilay, iyo kuwa ku dhawacmeyba,weerarkan wuxuu ahaa mid waxash-nimo ah oo fool xun,waxan kuu caddeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay walaalahooda Turkiga ku garab taagan yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada,waxa naga go’an xaqiijinta in dalalkeena ay noqdaan kuwo ka madax-bannaan kooxaha xag-jirka ah, taageerayaashooda iyo dhaqdhaqaaqoda intaba,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku darey in dunida looga baahan yahay inay iska kaashato, si hufanna isugu abaabusho sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo weerarro naceyb ku dhisan ku qaadaya aadminimada iyo ilbaxnimada.

Qaraxan oo ka dhacay inta u dhexeysa xarunta Baarlamanka iyo xarunta dhexe ee ciidanka xoogga dalka Turkiga,ayaa loo adeegsaday gaari miineysay,halkaasoo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad soddon qof, halka ay lixdameeyo kalena ku dhaawacmeen.

Wuxuuna weerarkani baajiyay safar uu madaxweyne Erdogan ku tegi lahaa dalka dibeddiisa,wuxuuna wacad ku maray inuu si weyn ula dagaallami doono kooxaha argagixisada caalamka,horumarka ka socda dalkiisana ayan hakin doonin falalka noocan oo kale ah.