Xoghayihii hore ee qaramada midoobay oo geeriyooday

Cairo-(Puntland Post)-Dr:Boutros-Boutros Ghali;oo ahaa xoghayihii hore ee qaramada midoobey ayaa ku geeriyooday cuspitalka Al Salam oo ku yaalla magaalada Qaahira caasumadda dalka masar,halkaasoo uu ku xanuunsanayay.

Wakaaladda wararka Masar ee ku hadasha afka dowladda MENA,ayaa sheegtay in dhawaanahanba laga hayay Boutros Ghali,Lugta,wadnaha iyo Kelyaha,taasoo uu markii dambe u dhintay,iyadoo ay da’diisu ahayd 93 jir ah.

Dr;Boutros,ayaa xilka xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa soo hayay intii u dhaxaysay 1992-kii illaa 1996-kii,wuxuuna ahaa xoghayihii Lixaad ee jagadaasi soo qabta,isagoo sidoo kale ahaa ninkii ugu horreeyay ee carbeed ee xilkaasi loo dhiibo.

Boutros Ghali ayaa ahaa Kiristanka laga tirada badan yahay ee dalka Masar,isagoo haweeneyda u dhaxdayna lagu sheegay inay kasoo jeeddo Israa’iil,wuxuuna ahaa siyaasi kasoo shaqeeyay waddamada Bariga dhexe,Yugoslavia iyo Afrika.

Siyaasigan ayaa soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalka Masar sanadkii 1977, xilligii uu madaxweyne ka ahaa Anwar Sadat,isla maraana uu socday dagaal lagu riiqmay oo u dhexeeyay waddamada carabta iyo Israa’iil oo garab ka heleysa reer Galbeedka.

Dr;Boutros ayaa intii uu xafiiska joogay ayaa waxay qaramada midoobey ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 1993, xilligaasoo dalka ay ka socdeen dagaalo sokeeye,taasoo keentay inay gacan ku yeeshaan colaadihii markaa socday.