Wasiirka amniga dalka oo iska fogeeyay eedeeyn ay xildhibaannada usoo jeediyeen

Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka amniga dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inuusan jirin wax amar ah oo ay ku fareen ciidamada ammaanka in la baaro xildhibaannada qaranka.

Wasiirka oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii  Baarlamanka ay yeesheen ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn arrintan, isla markaana uu dalka ka maqnaa markii ay soo baxeen ammarrada la xiriira adkeynta amniga.

“Ma jirto amar naga soo baxay, arrintaas baaritaan ku sameynayaa markii aan u yeero taliyeyaasha, waa sax Booliska iyo nabad-sugida aniga ayay i hoos-yimaadaan,laakiin ma amrin in la baaro Xildhibaanada ”ayuu yiri wasiirku.

Cabdirisaaq Cumar ayaa qalad ku tilmaamay in lagu xad-gudbo xasaanadda xil-dhibaannada qaranka wuxuuna sheegay inaysan raalli ka ahayn arrintaasi,wuxuuna intaa raaciyay in ciidamada qaar aysan aqoon xasaanad,sida uu hadalka u dhigay.

Xubno ka mida golaha baarlamanka oo su’aalo kul-kulul weydiiyay wasiirka ayaa ku baaqayn inay xilka dhigaan wasiirka iyo taliyaha nabad-sugidda qaranka Soomaaliya,waxayna ku sheegeen kuwo kasoo bixi waayay xilkii loo igmaday isla markaan ku guul darraysatay adkaynta ammaanka dalka.

Wixii ka dambeeyay 2-dii bishan oo ahayd markii ay qaraxday diyaaradda Daallo,waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka madaarka Muqdisho, iyadoo dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka si adag loo baarayay, waxaana arrintan qeyla dhaan ka muujiyay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka oo sheegay inay taasi xad-gudub ku tahay masuuliyaddooda.