GAROWE- (Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliye ku xigeenada ciidanka Booliska Puntland ka dib qoraal kasoo baxay xafiiskiisa 14-ka bishaan.
Gudoomiyihii hore ee iska casilay xilka gobalka Mudug S/guute.Cabdiqaadir Shire Faarax (Erag) ayaa loo magacaabay taliye ku xigeen koowaad ee ciidanka Booliska Puntland halka labaad iyo saddexaad loo magacaabay Bille Faarax Cabdi iyo Jaamac Saxardiid Cabdi.