Dagaal qasaare geystay oo ka dhacay Af-gooye iyo taliye lagu dilay

Muqdisho-(Puntland Post)-Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Balcad Sayid Cumar Shafeey iyo Todoba ruux oo kale ayaa ku geeriyootay dagaal qaraar oo xalay ka dhacay magaalada Af-gooye oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay cutubyo ka tirsan Al-shabaab ka soo galeen magaalada dhanka Buundo yareey,halkaasoo ay kaga sii gudbeen Saldhigga dhexe,iyagoo dabeetana gacanta ku dhigay qaybo badan oo ka mid ah Af-gooye.

Taliyaha Saldhigga degmada Af-gooye Yuusuf maxamed ayaa sheegay inay weerarka fududeeyeen xubno ka tirsanaa ciidanka,wuxuuna intaa raaciyay inay dharbaaxa kulul gaarsiiyeen kooxihii dagaalka kusoo qaaday haatanna ay ku raad joogaan.

Hay’adda Sirdoonka iyo amniga qaranka Soomaaliya {NISA} ayaa soo bandhigtay Saddex dhallinyaro ah iyo afar qori gacmeed,iyagoo sheegay inay ka qeyb-qaateen raggaasi dagaalkii ka dhacay degmada Afgooye.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay inay weerarka A-fgooye ku qabsadeen Labo gaari oo nooca dagaalka ah iyo hub fara badan,kuna gubay gawaari kale,balse dowladda federaalka ayaa taasi waxba kama jiraan ku tilmaantay.

Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale weerarro kale ka fuliyay xalay degaannada Laanta-Buuro, Calamada, Lafoole iyo Carbiska, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika.

Dagaal yahannada Al-shabaab ayaa bilooyinkii aynu kasoo gudubnay waxay weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ka geysanayeen degaanno badan oo ka tirsan koofurta dalka Soomaaliya,waxanay todobaad kii aynu kasoo gudubnay saacado badan haysteen magaalo madaxda gobolka shabeellada hoose ee Marka.