Kismaayo-(Puntland Post)-Ciidamada difaaca dalka Kenya ee qaybta ka ah kuwa midowga Afrika ee Amisom ayaa la sheegayaa iney faarujiyeen gegida diyaaradaha ee magaalada Kismaayo,halkaasoo ay ku sugnaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay.
Wararka halkaasi ka imanaya ayaa intaasi ku daraya inay fariimihii ciidamada Kenya ay la wareegeen cutubyo ka socda Millitery-ga Itoobiya.
Ciidanka Kenya ayaa magaalada Kismaayo kaga sugnaa meelo kooban oo ay kala socdaan xaaladda guud ee xagga ammaanka,waxaana laga yaabaa iney gebi ahaanba kala wareegaan Millitery-ga dalka Itoobiya oo guutooyin ka mida ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay sida gaarka u bar-tilmaameedsadaan Ururka Al-shabaab,iyagoo la beegsada weerarro isagu jira gentaallo iyo kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah, iyagoo mararka qaarkoodna arbushaad dhuumaalaysi ah ka geysta qaybo ka mida magaalada Kismaayo.
Maamulka Jubba-land ayaa dhowr goor oo hore wacad ku maray inay Al-shabaab ka xoreyn doonaan goobaha ay gacanta kaga hayaan dhulka hoos yimmaadda maamulkooda,waxanay maalmihii aynu kasoo gudubnay dagaallo ka soconayeen duleeddada fog ee magaalada Kismaayo.