Beled-weyne-(Puntland Post)-Ururka Al-shabaab ayaa meel fagaare ah ku dishay nin ay ku eedeeysay inuu u basaasayay dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Amisom ee ka hawl-gala gobolka Hiiraan.
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Barre ayaa ka mid ahaa dadka degaanka Ceel-warre oo ah halka lagu toogtay,waxana xilligii la dilayay daawanayay boqolaal dad weyne ah,waxanay bulshada halkaasi isugu timi ugu digeen la shaqaynta dowladda federaalka.
Al-shabaab ayaa dhowaan laba nin ku dishay Shabeellada hoose,kuwaasoo ay ku eedeeysay jaajuusnimo waxanay sheegeen inay warar u dusinayeen cadawga Alle oo ay ula jeedaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.