Qurba joogta Puntland oo loogu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaara

biyaha-740x416GAROWE- (Puntland Post) Madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay qurba joogta inay dowr kooda ka qaataan gurmadka xoogan ee loogu jiro 78-da goobeed ee ay abaartu saamaynta ku yeelatay taasoo haddii aan laga hortagin xaalad adag waji karaan qoysaska ku nool.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo shalay kulan ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay isagoo la hadlayay hay’addaha dowladda inay muhiim tahay sidii gurmadka biyo dhaaminta loo bilaahi lahaa, maadama abaaraha ay saameeyn ku yeesheen qoysas degan shan gobol oo Puntland ka tirsan.

Camay ayaa sidoo kale sheegay iyagoo kaa shanaya Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah la bilaabayo gurmadkaasi, iyadoona laga duulayo qodoboda uu sheegay madaxwayne ku xigeenku.

Puntland waxay dib u habaynaysaa dhamaan ceelasha biyaha ee gobolada ay Abaartu wax-yeeleysay si loo helo baraago biyaha celin kara.

Dawladdu waxay bilaabeysaa Biyo dhaamis ballaaran oo meelo kala duwan ah
Dawladdu waxay tallaali doontaa dhamaan xoolaha Abaartu saamaysay
Dawladdu waxay diyaarin doontaa gaadiid caafimaad iyo kooxo dhaqaatiir ah si loogu gurmado dadka ay Abbaartu saameysay
Dawladdu waxay diyaarin doontaa Baraagaha guur-guura si dadka iyo duunayada aan soo gaari karin ceelasha biyaha loogu gaar siiyo biyo meelaha ay joogaan
Dawladdu waxay Samaynaysaa nafaqayn Hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaan dadka nugulka ah ee Abaaruhu ay wax-yeellee-yeen.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa jaaliyadaha ka codsaday inay kaalin ka qaataan gurmadka maadama ay macquul tahay abaaruhu inay sii dheeraadan, meelaha ay abaartu ka jirto qaarkood ayaa laga soo sheegayaa inay qaali ka noqdeen biyaha taasoo cadayn ah inay xaaladu sii xumaan karto.

PUNTLAND POST