Baydhabo-(Puntland Post)-Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku guuleysteen inay soo qabtaan labada sarkaal oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Maamulka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay taasi u fududeysay xogo ay ka heleen dadka degaanka,markii ay howlgal baaxad leh ka sameeyeen degaannada ku xeeran degmada,wuxuuna ka gaabsaday macagyada ragga ay qabteen.
“Ciidamada waxay ku guuleysteen howlgal ay ka sameeyeen duleedka degmada Diinsoor inay ka soo qabtaan labo sarkaal ah oo Shabaab ahaa”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Diinsoor.
Guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay inay haatan ku hayaan baaritaanno la xiriira xilalka ay kala hayeen isagoo ballan qaaday in wixii faah-faahina ay dib uga soo gudbin doonaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuna intaa raaciyay inay maxkamad soo taagi doonaan maaddaama ayan isa soo dhiibin.
Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan hawl-gallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab oo ka socda dhammaan gobollada ay ka arrimiyaan,waxaana haatan soconaya dedaallo laysugu furayo degmooyinka Xuddud iyo Waajid oo ka mid ahaa degmooyinka go’doonsan.