Muqdisho-Puntland Post)-Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya ciidamada ammaanka ayaa saakay billaabay howlgal lagu fujinayo boorarka ku qoran afafka qalaad ee ku dheggen hareeraha waddooyinka iyo goobaha ganacsiga qaarkood.
Af-hayeenka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii ganacsatada loo qabtay inay ku fujiyaan boorarka ku qoran afafka qalaad,sidaa daraaddeedna ay iyagu gacanta ula tagayaan.
“Maanta ayay tahay maalintii u dambeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u qabtay in boorarka Ganacsiga ee ku qoran afafka Qalaad laga fujiyo, ujeedka ma ahan la dagaalanka luqadaha ajnabiga ee waa in luqada Soomaaliga oo far waa weyn lagu qoray ka muuqato qeybta kore, halka qeybta hoose lagu qoro luqadaha kale”ayuu yiri Af-hayeenka gobolka Banaadir Xalane.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuuf Xuseen Jimcaale, ayaa amar kasoo saaray booror ku qoran afafka qalaad,taasoo uu ku macneeyay sare u qaadidda iyo soo nooleynta Afka Soomaaliga,iyadoo ay iska dhega tireen inta badan ganacsatada Muqdisho.
Afka Soomaaliga ayaa lagu tilmaammaa inuu ka mid yahay luqadaha kasii daba go’aya caalamka mustaqbalka dhow,waxanay dowladda federaalka Soomaaliya siisay mudnaan ah in xafiisyada laga shaqeeyo Afka Hooyo.