Muqdisho-(Puntland Post)-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga Soomaaliya,xukuumadda Nuur Cadde.
Marxuum:Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay u dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,isagoo haatanna ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbi siyaasadeedka Kulan.
Waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada,kuwaasoo lagu bartilmaameedsada dadka bulshada dhexdeeda magaca ku leh,weerarkaasoo inta badan ay sheegtaan masuuliyaddiisa ururka Al-shabaab oo kasoo horjeeda nidaamka dowliga ee haatan jira.