Munich-Germany-(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay sheegay in dagaalyahannada Boko Haram lagu tababaro gudaha Soomaaliya, kadibna ay u laabtaan Naayjeeriya.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadalkan ka jeediyay shir ammaanka looga hadlaayay oo ka socday magaalada Munich ee dalka Jarmalka,kaasoo lagu casuumay waddamada ay ka socdaal qalalaasaha oo ay Soomaaliyana ku jirto.
Madaxweyne Maxamuud ayaa intaa raaciyay inay jiraan caddeymo muujinaya in mintidiinta Ururka Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya,isagoo sheegay inay marqaati cad u noqon karto degganaansho la’aanta ka taagan dalka,taasoo uu ku tilmaamay mid saamayn ku yeelan karto dalalka deriska iyo guud ahaa qaaradda oo idil.
“Deganaansho la’aanta Soomaaliya, waxay saamayn doontaa degganaansho la’aan ka dhalata dalalka geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay Ururrada Islaamiyiinta ah ee caalamku yihiin kuwa isku xiran oo isku feker ah, kuwaasoo huwan magacyo kala duwan oo ay ku hawl-galaan,wuxuuna ku tilmaamay qatar xagga ammaanka ah oo ka jirta gobolka iyo dunida oo dhan.
Al-shabaab oo gacansaar buuxa la leh shabakadda Al-qaacidda ayaa dhowaan isaga hor yimid dagaal ay xubno badan isaga dileen,markii garab ka mid ihi uu ku dhowaaqay inay la midoobeen Ururka Daacish oo ah xaraka diimeed ka mowqif adag kana fog inta kale.