Dowladda Kenya oo laga codsaday magdhowga askartii lagu laayay Ceel-cadde

Nairobi-(Puntland Post)-Madaxda gobolka Trans Mara ee dalka Kenya ayaa dowladda dalkiisa ka dalbaday inay magdhow ka bixiso askartii ka soo jeedday degaankaasi ee ay Al-shabaab ku laayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo Soomaaliya.

Waaliddiinta dhashay Elias Kirionki oo ka mid ahaa Askarta ku dhimmatay Ceel-Cadde ayaa waxay sheegeen in inta badan ciidankii halkaasi ku geeriyooday ay ahaayeen kuwo ka tagay carruur iyo xaasas ay noloshoodu ku xirneyd mushaarka ay ka helaan dowladda.

Kirionki waxaa uu ka mid ahaa Askarta dhimatay,waxaana dhawaan lagu aasay degaanka uu ka so jeedo ee Osupuko oo ka tirsan Eldoret.

Guddoomiyaha Xiriirka Bulshada ee gobolka Trans Mara Leboo Morintat ayaa sheegay inay dowladda uga baahan yihiin sii wadista lacagta ay qaadan jireen xubnihii la dilay, si ay ugu noolaadaan, waxna ugu bartaan dadkii ay ka tageen.

Joel Tasur, oo ah siyaasi ka so jeeda isla gobolkaas ayaa sheegay in dowladdu ay tahay in ay joogto u bixiso masruufka qoysaska wiilshadooda ay ku dhinteen Soomaaliya,iyagoo difaacaya dalkooda,wuxuna ka digay inay dowladdu dafirto xuquuqda dadkaasi.

Dagaal yahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa horraantii sanadkan weerar abaabulan ku qaadday sandhig ay ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Amisom ku leeyihiin degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ku dileen askar fara badan.