Muqdisho-(Puntland Post)-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah la daah furi doono dastuurka dalka, si maalmaha soo socda loo guda galo dib iyo eegis iyo wax ka beddel lagu sameyn doono cutubyo ka mida.
Kulanka maanta ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota dowladda federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale,taasoo looga gol leeyahay in si weyn looga baaraan dego fara gelinta lagu samaynayo dastuurka.
Golaha xukuumadda ayaa maalin ka hor kaga dooday magaalada Muqdisho dib u eegista dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qodobbada qaar,kuwaasoo loo arkay inayan xilligan munaasab u ahayn ka gudbidda marxaladda kala guurka ah.
Ergo ka kooban 800 oo kala timi gobollada dalka ayaa ansixisay sanaddii 2012-kii dastuurka ku meel gaarka ah ee iminka lagu shaqeeyo,waxaana lagu wadaa in mustaqbalka uu noqdo mid ku salaysan afti dad weyne maaddaama laga soo gudbay waqtigii ku meel gaarka.