Kismaayo (Puntland Post) – Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig qarsoodi ah oo hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA-da ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Warbaahinta Al shabaab ayaa tebisay in 10 gentaal oo Hoobiyeyaal ah ay ku rideen madaarka Kismaayo, halkaasi oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen xarun ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ka duulaan.
Lama sheegin wax qasaara ah oo ay duqaymahaasi geysteen,mana jiraan warar ku saabsan weerarka oo ka soo baxay dhanka maamulka Jubba-land iyo dowladda Maraykanka intuba.
Billowgii sanadkan ayay ahayd markii uu Maraykanku xiray saldhigii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu ku lahaa Itoobiya,iyadoo la sheegay inuu u soo wareejiyay goob aan la cayimin oo ku taalla koofurta dalka Soomaaliya,si ay ugu fududaato weerarrada xagga cirka ah ee uu ku qaadayo Al-shabaab.