Muqdisho-(Puntland Post)-War qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxii horraantii bishan ka dhacay gudaha diyaarad ay la lahayd shirkadda Daallo Airlines,taasoo ka ambabaxday magaalada Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti.
Hadalkan oo ku qornaa afka Ingioriiska ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi ku bartilmaameedsanayeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Turkiga,kuwaasoo sida ay sheegeen xilligaasi la socday diyaaradda.
“Mujaahidiinta waxay qaadeen howl-gal ay ku bartilmaameedsanayeen sirdoonka reer galbeedka iyo saraakiil Turkish ah ee ka tirsan Ciidanka NATO, diyaarad ay la socdeen oo ku sii jeeday Jabuuti”ayaa lagu yiri qoraal ku qornaa afka Ingiriiska.
Ururka Al-shabaab ayaa warkeedan ku caddeysay in qaraxa uu qayb ka yahay weerarro ay ku ugaarsanayaan sirdoonka waddamada reer Galbeedka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ay wada shaqayn ka dhaxayso.
Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in weerar duqeyn ah ay ku qaadeen dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore xerada Xalane, oo xarun u ah ciidamada AMISOM, halkaasoo ay sheegeen inay saldhig ku leeyihiin sirdoonada Mareykanka ee CIA, MIB iyo Mossad, ayna ku dileen 17 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ajanabi.
Warkan ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday weerarkii bishii May ee sanadkii 2014 lagu qaaday Maqaayad ku taal dalka Jabuuti,halkaasoo ay ku dhinteen dad rayid u badnaa.
Sirdoonka Maraykanka oo qayb ka ahaa baaritaannadii lagu sameeyay diyaaradda Daallo ayaa si horudhac ah u sheegay in weerarkani ay ka dambeeyeen Ururka Al-shabaab,balse ma jirin haatan ka hor wax caddeymo rasmi ah oo loo hayay cidda ka dambeysay.