Muqdisho-(Puntland Post)-Af-hayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha Dr:Walter Kaelin,ku xigeenka ergeyga xoghayaha guud arrimaha Soomaaliya Peter de Clerc iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR.
Kualnka ayaa layskula soo qaaday sidii loo taageeri lahaa dadka ku bara-kacay gudaha Soomaaliya iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada,waxaanay saraakiisha ka socotay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ballan qaadeen iney hirgelin doonaan waxyaabihii looga wada hadlay shirka.
Guddoomiye jawaari ayaa kaga mahad celiyay hay’adaha qaramada midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka,isagoo sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan, wuxuuna usoo jeediyay inay laba laabaan dedaalladood bini’aaddan-nimo ee ay dalka ka hayaan.