Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo u guur galay baahiyaha deegaanka Mayla

GAROWE-(Puntland Post) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo maalmihii lasoo dhaafay booqanayay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal ayaa tagay maalin ka hor deegaanka Mayla oo u dhaxaysa Garowe iyo Jariiban, ka dib markii uu caasumaad ka helay dadka degaan halkaasi.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Odayaasha iyo dhaqanka deegaankaasi Mayla waxayna kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo salka ku haya sidii deegaanka horumarintiisa looga shaqayn lahaa gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Qaar ka mid ah odayasha Mayla ayaa sheegay in deegaankan ay ka jirto abaaro sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto, waxa kale ay Odayaashu sheegeen inay hadda go’aan sadeen inay wax la qayb sadaan mamulka Gobalka Nugaal gaar ahaan Caasumadda oo laga qayb galiyo barnaamijyadda horumarinta deegaanka.

Cumar Cabdilaahi Farawayne, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa marka hore dadka deegaanka uga mahad celiyay war bixinta ay ka siiyeen xaaladooda waxa kale uu isla markiiba balan qaaday inuu bixin doono mushaharka labo macalin oo wax u dhiga ardayda Mayla waxa kale uu sheegay inuu inta awoodiisa ah u dadaali doona beesha Mayla.

Waa gudoomiyihii ugu horeeyay ee Gobalka Nugaal isla markasna taga deegaanka Mayla oo ah deegaaan u dhaxeeya Jariiban iyo Garowe, Cumar Cabdilaahi iyo wafdigiisa ayaa ugu danbeyntii kusoo laabtay magalada Garowe.
IMG-20160204-WA0035

IMG-20160204-WA0036

IMG-20160204-WA0037

IMG-20160204-WA0038

IMG-20160204-WA0039

IMG-20160204-WA0040

IMG-20160204-WA0041

IMG-20160204-WA0042

IMG-20160204-WA0043

IMG-20160204-WA0044

IMG-20160204-WA0045

IMG-20160204-WA0046

IMG-20160204-WA0047

IMG-20160204-WA0048

IMG-20160204-WA0049

IMG-20160204-WA0050

IMG-20160204-WA0051
PUNTLNAD POST