Ciimada Jubbaland iyo AMISOM oo wareer ku qaaday dagaal yahano Al-Shabab ka tirsan

ABAB6CFB-4A65-46F4-9D47-58A7D3472757_mw1024_s_n (1)KISMAAYO-(Puntland Post) Ciidamada mamulka Jubbaland oo garab sanaya kuwa Itoobiya ee howlka AMISOM ka mid ah ayaa shalay weerar ku qaaday fariisimo kooxda Al-Shabab ku lee yihiin Buula-guduud iyo Yoontoy oo ka tirsan Gobalka Jubbada hoose.

Labada dhinac ayaa dhex maray dagaal la isku addeeg saday hub kala duwan kuwaasoo waxyeelo soo gaarsiiyay dhinacyadii dagaalamay, balse masuul u hadlay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigaan labo ka tirsan Al-Shabab khasaaro kalena ay gaarsiiyeen.

Masuulkan ayaa sheegay inay xalay dib ugu soo laabteen magalada Kismaayo, ayna wadaan howlgalo kooxda looga saarayo guud ahaanba deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo.

Ma jirto ilaa iyo hadda hadal kasoo baxay dhinaca Al-Shabab oo ka hadlaya khasaaraha kasoo gaaray weerarka lagu soo qaaday kaasoo kusoo aadaya xilli madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu tilmaamay inay bilaabayaan howlkan ka dhan ah kooxdaasi.

Dagaal-yahano ka tirsan Al-Shabab ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta magalada Marka halkaasoo ah goob istiraajidi ah isla markasna mudo badan gacanta kooxdaasi ku jiri jirtey.

PUNTLAND POST