Soomaaliya oo mar kale dacweyanysa Kenya

Copenhagen-(Puntland Post)- Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr:Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda caalamka dukumintiyo ka jawaabayay dalab ay horey ugu gudbisay Kenya, kaas oo ku saabsanaa in muranka dhanka badda labada dal oo muddo soo taagnaa.

Axmed Cali ayaa sheegay in markale ay warqad ka dhan ah Kenya u gudbiyeen maxkamadda caalamiga wuxuuna caddeeyay inay Soomaaliya ka go’an in muranka badda ee kala dhexeeya Kenya lagu dhameeyo hab sharci ah, oo aysan ogollaan doonin wax wada hadal ah iyo xeer jajab.

“Waxaan joognaa maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxana u imid inaan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya,5-ta bishan ayay ku ekeyd,waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay jawaab ku filan, tan Kenya ay keentay ayaan maanta u gudbinnay, sanadkii hore anagu waxaan si rasmi ah u soo gudbinay dacwad buuxdo, balse Kenya ayaa soo gudbisatay warqad ay ku hor istaageyso in dacwadda in la qaado, anaguna markale ayaan jawaab ka  dhan ah arrintaasi keenay Maxkamadda” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in rajo aad iyo ad u sareysa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabaan ku guuleysiga kiiskan la xiriira dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo soo jiitamayay.